Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada 2026-ka iyo dastuurka

Posted on

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo 2026-ka, si ay codadkooda u dhiibtaan dadka Soomaaliyeed, una soo doortaan hoggaankooda.

“Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay wax ku dooran karaan, laguna dooran karo, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee soo maray Soomaaloya.

“Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arinta dastuurka isagoo baarlamaanka ku boggaadiyay tallaabado ay u qaadeen dhameystirkiisa, mudd 12 sano ah kadib.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan doodaha ku saabsan arrimaha dastuurka, si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan.

“Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo kasoo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota iyo tallaabada loo qaaday wax ka beddelka dastuurka dalka.



Source link