Xasan Sheekh oo deg deg u booqday Digfeer iyo wararkii u dambeeyey ee toogashadii xero Goordan

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir Media) –Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa deg deg u gaaray isbitaalka Digfeer, si ay u booqdaan dhaawacyada saraakiil iyo askar Soomaali, Imaaraad iyo kuwo ka socda dalal kale isugu jira, kuwaas oo askari Soomaali ah uu caawa toogasho wadareed ugu geystay xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Dhamaan dhaawacyada iyo meydadka saraakiishii iyo askartii ku le’atay weerarkaas ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer, ilaa 20 qof ayay gaarayaan dhaawacyada la geeyey Digfeer, inkastoo aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

Sida ay Allbanaadir Media u sheegeen ilo xog ogaal ah, askariga toogashada geystay wuxuu ka tirsanaa ciidan dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey xerada Jeneraal Goordan, gaar ahaan unug loo qeybiyey hubkooda oo masuul looga dhigay amniga xerada, wuxuuna dadka ku laayey qori BKM ah.

Askariga weerarka fuliyey ayaa ka mid ahaa askartii loo xil-saaray ilaalada amniga xerada, balse wuxuu kaligiis qaatay go’aansaday inuu laayo saraakiil iyo askar ku jirtay masjidka xero Goordan oo salaadii maqrib ay ku tukadeen, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah, hadana faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya.

Xogta ay Allbanaadir Media ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordan.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka, balse ma jirto cid ka madax-banaan kooxda oo soo bandhigtay khasaaraha intaan la eg.