Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay waxgaradka Beesha Karanle

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay qeyb uga noqdaan ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalkooda.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa soo dhaweeyay dadaallada Madaxweynaha, iyagoo ka balan qaaday in ay garab ku siinayaan dadaal kasta oo Khwaarijta dalka looga xoreynayo.

Waxgaradka beesha Karanle ayaa si gaar ah ugu riyaaqay hirgalinta qorsha Madaxweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ee uu balan-qaaday marar badan.

Waxgaradkii la kulmay madaxweynaha ayaa u sheegay inay ku dhiban yihiin qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta ku metesha dowladda, gaar ahaan baarlamaanka, isla markaana ay xal muhiim ah u arkaan inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xubnaha la kulmay Madaxweynaha waxay u cadeeyeen in hadii uu dalka ka hir-geliyo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah ay fursad u helayaan in ay soo doortaan siyaasiyiin si dhab ah ugu metesha dowladda oo wax tar u leh dadka iyo deegaanka laga soo doortay.



Source link