Xasan oo guddoomiyaha barlamanka EAC kala hadlay 3 qodob muhiim ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha golaha baarlamaanka bulshada bariga afrika, Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya baarlamaanka dalladda bulshada Bariga Afrika ee EAC iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo wafdigiisa ayaa madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa tilmaamay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin dallada bulshada bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Marwo Sacdiya Yaasiin, guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow iyo xubno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka.

Dhanka Ntakirutimana waxaa qeyb ka ah wafdiga uu horkacayo xildhibaan Iman Falhada Dekow,John N. Mutega oo ah hab-dhowre ku-xigeenka baarlamaanka bulshada bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.



Source link