XASAASI: Lataliyaha MD Farmaajo oo guuldaro kala kulmay doorashada golaha shacabka





Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyay musharixiinta kala ah Musharax Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Musharax Xildhibaan Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#072 kaa oo doorashadiisu dhaceyso maalinka barito ah.

Murashax xidig ayaa la siiyey kursiga isagoo meesha ka saaray lataliyaha madaxweyne farmaajo ee dhinaca doorashada Cabdi Cali Raage.

Lataliyaha madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku guuldareystay qorshe Madaxtooyada wadatay oo dhowr mar fashilmay kaas oo hub looga dejin lahaa Kismaayo si meesha looga saaro maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa kursiga ku sharfay Beesha Muqaabul isagoo C/rashiid Xidig uxiray kursiga waxaana la tartamaya C/samad oo malxiis unoqonayo.

Sanadkii 2019-kii markii dib loo dooranayey Axmed Madoobe waxaa jirtay murashaxiin hortaagnaa waxaana ka mid ah C/rashiid Xidig oo markaasi lacag ka qaatay Villa Soomaaliya.

Axmed madoobe ayaa C/naasir Seeraar & Sheekh daahir Axmed C/llaahi oo diidanaa doorashadiisii xilal umagacabaay halka Xidig uu siiyey kursigiisii golaha shacabka inuu difaacdo.

 




Source link