Home Xogta Dahsoon Xasaasi: Boqortooyada Sacuudiga oo u yeertay RW Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada

Xasaasi: Boqortooyada Sacuudiga oo u yeertay RW Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan dalka Sacuudi Carabiya, kaddib markii ay martiqaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha ay qaabili doonto Boqortooyada, lama shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarkooda hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.

Sidan oo kale 2016 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii Maamul Goboleedyada Soomaaliya, iyadoo kala hadsashay isbeddel laga sameeyo Soomaaliya doorashadii 2017.

Waxaa muuqata in Boqortooyada Sacuudiga ay markaan diyaar u tahay iney toos u farageliso siyaasadda Soomaaliya oo uu xumeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa xulufo ka dhigtay dowladda Qatar taa oo dhaqaale aan caadi aheyn ku maalgelisay afartii sano ee uu joogay si uu ugu fuliyo danaheeda siyaasadeed.

 



Source link