Home Warka Maanta Wiilka Marxuum yariisoow oo warqad hanjabaad ah loo diray (Cadeyn+Akhriso)

Wiilka Marxuum yariisoow oo warqad hanjabaad ah loo diray (Cadeyn+Akhriso)




Madaxweyne kuxigeenka golaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa warqad udiray Wiilka uu dhalay Marxuum Yariisoow.

Maxamed C/raxmaan Cumar oo ah Xoghayaha Koobaad Ee Ergada Soomaaliya Ee Magaalada New York ayaa warqad ka helay bishii hore 21-keedii waxaana canaan iyo shaqo joojin loogu hanjabayey kala kulmay danjire Abuukar baale.

Warqada oo aan aragnay maanta waxay muujineysaa in lagu Eedeeyey wiilka Yariisoow Hadalo aan wanaagsaneyn,Madax adeeg,Dhaqan xumo iyo waxyaabo kale inkastoo weli aan war laga heynin eedaas loo jeediyey waxa uu kaga jawaab celinayo.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay dooneyso inay xilka ka qaado Maxmaed C/raxmaan Cumar oo ah wiilka Marxuum Yariisoow kaas oo 4 November 2019-kii jagada uu hadda hayo loo magacaabay.





Source link