Weerar lagu laayey saraakiil iyo askar oo ka dhacay xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Askari ka tirsan ciidan cusub oo tababar uga socday xerada militeriga Soomaaliya Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa caawa fuliyey weerar halis badan, kadib markii uu laayey saraakiil iyo askar kale.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarkii uu fuliyey askarigaas uu gaarayo in ka badan 10 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira.

Xogtu waxay intaas ku sii dareysaa in saraakiil Imaaraadka u dhashay oo macalimiin tababar ka ahaa xerada ay ku jiraan ragga uu laayey askarigaas, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah.

Sida ay ogaatay Allbanaadir Media askarigaan ayaa ku jiray ciidankan cusub oo saacadihii lasoo dhaafay loo qeybiyey hubkooda, kadib markii tababarka loo soo gabagabeeyey.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha xerada, askariguna wuxuu ka mid ahaa ciidankii tababarka loo soo gabagabeeyey ee dhawaan hubka loo qeybiyey, falkaan ayaa dhacay marribkii kadib ama wax yar ka hor salaadii cishaha ee caawa.

Ilaa hadda lama oga in askariga toogashadaan fuliyey uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab iyo in kale, sidoo kale ma kala cada halka uu ku dambeeyo nolol iyo geeri askarigii geystay falkaan.

Gurmadka loo fidinayo askarta iyo saraakiisha ku wax yeelowday weerarkaas uu halka askari fuliyey ayaa hadda laga dareemayaa aagga xerada Jeneraal Goordan, sida ay Allbanaadir Media u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.