Home Warka Maanta Wasiiro katirsan Xukuumadda oo dagaalkooda qarsan waayey (AKHRISO)

Wasiiro katirsan Xukuumadda oo dagaalkooda qarsan waayey (AKHRISO)




Wasiirka Wasaarada dhalinyarada Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa ku eedeeyey Wasiir Khadiija inay Xafiis ku wareejin.

Wasiir Xamsa ayaa Munaasabad uu ka qeyb galay aad uweeraray wasaarada mas’uulkii ka horeeyey.

Waxa uu sheegay in Shaqaalaha Wasaarada lasiin jiray mushaar balse fasax ay iskaga maqnaayeen wax xafiis ahna Wasaarada aysan laheyn markuu imaanayey.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye Oo hadda ah Wasiirka gargaarka iyo maareynta Soomaaliya ayaa sheegtay in ay cadeymo uheyso beeninta eeda loo jeediyey.

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa dhankeeda ku eedeysey in Wasiir Xamsa uusan weli wareejin gaari Wasaarada gargaarka laheyd uuna diidan yahay.

Arintaan ayaa la filayaa in Ra’iisalwasaare Rooble soo fara geliyo kadib khilaafka culus ee soo kala dhex galay Wasiir Khadiija iyo Wasiir Xamsa.





Source link