Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa Sacuudiga Amir Faysal





Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay sida Soomaaliya ay u garab istaagtay Sacuudiga in Bandhigga Expo 2030 lagu qabto magaalada Riyadh.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo gobolka, aduunkaba iyo arrimaha labada dal si gaar ah u quseeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhigiisa Sacuudiga la wadaagay horumarada ay gaartay Soomaaliya iyo waliba xaaladaha Bini’aadanimo ee dalka ka jira xiligan oo abaaraha ugu weeyihiin.

Sacuudiga iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah kaa oo ku qotomo walalnimo iyo islaanimo iyadoo ay xusid mudantahay in Sacuudiga uu taageero xoog leh siiyo Soomaaliya.

 




Source link