Home Warka Maanta Warqad deg deg loogu diray Axmed Madoobe & Guddiga doorashada oo dalbaday...

Warqad deg deg loogu diray Axmed Madoobe & Guddiga doorashada oo dalbaday in..




Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland, ayaa codsi qoraal ah maanta u gudbiyay madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Guddiga waxayna ka codsadeen Axmed Madoobe in uu maalmaha soo socda guddiga uso gudbiyo diiwaanka iyo magacyada xubnaha la doonaayo in ay u tartamaan Baarlamaanka Aqalka sare ee heer Jubbaland.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa doonaaya in ay doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talagalay.

Kismaayo ayaa ah magaalada aadka looga dareemayo doorashada iyo diyaar garowgeeda,wixii labo cisho ka dambeeyana doorashada aqalka sare ayaa toos uga bilaaban doonta.





Source link