Home Warka Maanta Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad waday 45-ruux oo Shil ku gashay Ceelwaaq.

Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad waday 45-ruux oo Shil ku gashay Ceelwaaq.




Garoonka Diyaaradaha Degmada Ceelwaaq waxaa ku dhacday Diyaarad kuwa rakaabka qaada oo kasoo duushay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya waxaana la socday 45-ruux sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Diyaaradda ayaa ka baxday dhabbaha ay caga-dhigato kadib waxa ay ka baxday wadada, inkasta ilaa haatan ayaa sheegin khasaare ka dhashay shilkaas iyo waxyeelo soo gaartay rakaabka la socday.

Mas’uuliyiin katirsan Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay in 7-ruux oo ah Rakaabka Diyaaradda dhaawac uu soo gaaray sida ay ku ogaadeen natiijada hordhaca ah oo ay ka heleen shirkaas.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal ayaa u sheegay in garoonka shilka uu ka dhacay muddo u xirnaa khilaaf dhanka maamulka ah, waxaana loo badinayaa in sababta ciladda keentay ay qayb ka tahay.

 



Source link