Home Warka Maanta Wararkii ugu dambeeyey Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ceel waaq

Wararkii ugu dambeeyey Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ceel waaq




Wararka ka imaanaya degmada Ceel waaq Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarada ay ku dhacday iyadoo warar kala duwan soo baxayaan.

Diyaarada oo aheyd mid rakaab ah ayaa ku qalibantay meel ku dhaw garoonka oo ay dhowr jeer lugaha ubixi waayeen si ay udegto.

Diyaarada markii hore dul martay xaafadaha degmada iyadoo ay dadka deegaanka ay sawirro ka qaadeen diyaaradaan ayaa markii dambe isku dayday inay kasoo degto garoonka degmada ceel waaq oo in mudo ah u xirnaa arimo siyaasadeed balse shil ay gashay.

Allbanaadir Media ayaa ogaatay in diyaarada ay la socdeen 45 qof oo rag iyo dumar iskugu jiray oo ceel waaq doonayey inay ka deggaaan.

Dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada ayaa nabad qaba sida ay xaqiijiyen dadka deegaanka iyo maamulka degmada sidoo kale diyaarada ayaa la sheegay in ay ka timad dalka Kenya.





Source link