Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Posted on




Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay banaanka Maqaayada Blue Sky oo ay intabadan dad shacab ah fariistaan.

Maqaayadan ayaa ku taala meel u dhow Taalada Xaawa Taako iyo xarunta Tiyaatarka qaranka waana bar Koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada qaranka.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Wariye Agaasime Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa agaasimihii Somali Cable TV ee xaruntiisu weyn tahay Muqdisho.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay wixii warar ee ku soo kordho halkan ayaad kala socon doontaan saacadaha soo socda markaan helno warar dheerad ah oo ku saabsan Maqaayada Blue Sky.

Khawaarijta Shabaab ayaa maalmahan bilaabay qaraxyada la isku soo xiro kuwaa oo dad shacab ah ay inta badan ku dhintaan.

Kooxda ayaa maalmahan awoodooda ay aad u wiiqantay kadib markii lagala wareegay dhul baaxad leh.

Muqdisho-Somalia








Source link