Home Warka Maanta Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Dubai

Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Dubai




Qarax xoogan ayaa waxaa la sheegay in laga maqlay Magaalada Dubai oo ah xarunta ganacsiga wadanka Imaaraadka Carabta, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Sida ay bahisay Warbaahinta Carbeed qaarkood qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay dekedda Jebel Cali ee ku taal magaalada Dubai, waxaana la arkayay uuro cirka isku shareertay, kadib markii uu dab ka kacay markab ganacsi oo marayay meel kudhow dekeda Jebel Ali ee Magaalada Dubai.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan difaaca madaniga ayaa sheegaysa in kooxaha dab-damiska ay ku guuleysateen inay damiyaan dab ka kacay markab saarnaa Dekedda Jebel Ali.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax qasaaro naf ah oo ka dhashay dabka ka kacay Qaraxa iyo markabka, hayeeshee ay socdaan baritaano la xiriira sababaha qaraxa.

 



Source link