Wararkii ugu dambeeyay askari iyo xaaskiisa lagu dilay magaalada Laascaanood

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay, askari ka tirsan ciidamada Soomaliland, iyo xaaskiisa.

Dilka askariga iyo xaaskiisa ayaa ka dhacay xaafada Farxaskule, waxaana weeraray labbo nin oo bistoolado ku hubeysan, kuwaas oo ku dhuftay dhowr xabadood.

Kooxihii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halka uu dilku ka dhacayna ay gaareen ciidamada Somaliland ee ka howgalla magaalada Laascaanood.

Waa dilkii labaad ee tododobaad gudaheed ka dhaca gudaha Laascaanood, iyadoo amniga magaalada uu faraha ka baxay, mana jirto jawaab laga hayo ciidamada booliska ee Somaliland.

Dilalka Laascaanood ee joogtada noqday, ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha Magaaladaasi qaab xoog ah looga saaray, dadkii ka soo jeeday koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo loo saarinayey dilalka ka dhaca gobolka Sool.

Waxgaradka ku dhaqan Laascanood ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta dilalka joogta ka dhigtay, maadaama dadkii lagu eeddeynayey falalkaasi la saaray, waana fashil siyaasadeed oo ku dhacay xukuumadda Biixi ee ictiraafka doonka ah.

Source link