Wararkii u dambeeyey shir u furmaya Madaxweyne Xasan iyo Madax Goboleedyada





mogadishu (Allbanaadir Media) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu goordhow ka furmo shir u dhexeeyo Madaxweyne Xasan iyo 5-ta Madaxweyne Goboleed ee dalka, kaas oo ah mid xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka.

Shirkan oo uu xaqiijiyey Madxaweynaha Puntland, Saciid Deni oo haatan gaaray Villa Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid ah wada-shaqeynta dowladda cusub iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-hadlo arrimaha hortabinta leh.

Waxaa sidoo kale shirka qayb ka ah duqa magaalada mogadishu, iyada oo laga wada tashan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo isbedelkii dhacay.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkan oo uu kaga qeybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmaya Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirkan lagu soo qaadi doono arimaha bini’aadanimada ee dalka, gaar ahaan gurmadka abaaraha ee ka socda magaalada mogadishu.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay uga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha oo la qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa noqonayo kii labaad oo uu si toos ah ula yeelanayo Madaxweynaha cusub, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid deggan, waxaana isha lagu hayaa dhismaha dowladda cusub oo uu ugu horreeyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.



Source link