War deg deg ah: Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Beledweyne

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaalada oo dhan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku yaalaan xafiisyada maamulka iyo kuwa HirShabelle.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuw amaanka oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli Beledweyne lagu wado in beri lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco: Badweytims

 

Source link