Home Xogta Dahsoon War deg deg ah oo naga soo gaaray xerada afisiyoono oo doorasho...

War deg deg ah oo naga soo gaaray xerada afisiyoono oo doorasho ka dhaceyso

Wariyeyaal kusugan goobta doorashada lagu ballansan yahay teendhada afisiyooni ayaa inoo xaqiijiyey in weli xubnaha guddiga doorashada geli lahaa aysan imaanin badankood.

Hakad ayaa howshii la qorsheenayey ku jirtaa,ilo ku dhaw xubnaha guddiga labada aqal ee doorashada gobollada wuqooyi ayaa sheegay in wada xaajood uu hadda socdo.

R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wada hadal hadda la leeyahay Cabdi Xaashi si loo qanciyo tabashada uu qabo.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis saartay Rooble ka hor doorashada guddoonka guddiga doorashada labada Aqal ee gobollada wuqooyi ka imaanaya.

Isku soo dhawaanshiyo ayaa la rajeynayaa inay kasoo baxdo wada xaajoodka rooble iyo xaashi ubilowday ka hor doorashada oo dib loo dhigay.

Sida qorshaha uu ahaa waxaa 10:00 barqanimo la filayey in doorashada afisiyooni ka bilaabato,balse Saxaafada,Xubnaha Guddiga doorahada heer Federaal & Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa meesha kusugan.

 

Source link