WAR CUSUB: Hindiya oo Albaabada u laabtay Xafiis dhawaan ay ka furatay Garowe kadib musuq iyo fadeexad dhacday

Dowladda Hindiya ayaa si ku meel gaar ah u xirtay xafiis ay ka furatay magaalada Garoowe oo qaabilsanaa bixinta Vissa caafimaadka kadib markii ay soo baxday in la musuq maasuqay lacagta lagu diiwaan-geliyo dadkii loo qabanayey adeegga Vissaha.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in dhalinyaro Soomaali ah oo ka shaqeynaysay xafiiska bixinta Vissaha Caafimaadka Hindiya ee Garoowe ay musuq-maasuq baahsan ku sameeyeen dadkii masaakiinta ahaa ee is-diiwaan-gelinayay kadib markii ay calaa qof ka qaadeen $400 Dollar halka dowladda Hindiya ugu tala-gashay in qofkii lagu diiwaan-geliyo $80 Dollar oo keliya.

Sidoo kale waxaa la ii xaqiijiyay in dhalinyaradii lacagtaasi uruursaday aysan gaarsiin halkii loogu tala-galay balse ay jeebka ku shubteen taasina ay dowladda Hindiya ku riixday in ay si ku meel gaar ah u xirto xafiiskaasi.

DAAWO MUUQAALKA