Home Warka Maanta Wafdi ka socda dowladda Ireland oo ka soo dagay Muqdisho iyo qorshaha...

Wafdi ka socda dowladda Ireland oo ka soo dagay Muqdisho iyo qorshaha safarka




Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Avv.Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka Arimaha Dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq Ayaa muqdisho Waxa ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney, T.D.  Ee Dalka Ireland iyo Xubno kale oo la Socday,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Avv.Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arimaha Dibadda Ireland  ayaa si wadajir ah Salaan ugu qaatay Cutubyo ka tirsam Ciidanka Xoogga Dalka oo Tumayay astamaha labada dowladood .

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Waxaa ku sugnaa oo Soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar , Saraakiil ka tirsan XDS iyo Xubno kale .

Si dhab ah looma oga ujeedka wafdiga uu horkacayo wasiirka balse wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Soomaaliya ay ka tagaeeri doonto tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya iyo kabka miisaaniyadda wasaradda Gaashandhigga.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowlad ay ishayaan Ireland iny kala hadli doonto Soomaaliya islamarkana ay gaabiso cilaaqadka ay la leedahay.

Muqdisho-Somalia





Source link