Home Xogta Dahsoon Wafdi gaaray Baydhabo & Xogo Cusub doorashada maanta dhaceysa

Wafdi gaaray Baydhabo & Xogo Cusub doorashada maanta dhaceysa




Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta barqadii gaaray Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyey Gudoomiyaha guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dawlad Gobolleed KGS Yuusuf C/qaadir Baafo.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Baydhabo gaaray oo ka kooban 6 xubnood ayaa goob joog Ka noqon doonaan Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee maanta ka bilaabaneysa Magaaladda Baydhabo Janaay.

Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa Kismaayo isbuucii hore kaga qeyb galay doorashadii Afar Senetor lagu soo doortay.

Dhinaca kale Madaxweyne Lafta gareen ayaa shan kursi uu soo bandhigay liiska murashaxiinta utartameysa maanta la dooranayaa kuwaas oo Madaxtooyada Koonfur Galbeed shakhsiyaadka ay wadato lagu ballamay in lasoo saaro

 



Source link