Home Xogta Dahsoon Wadada Aada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta la xiray (Sababta)

Wadada Aada Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta la xiray (Sababta)




Wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho ee ka timaada isgoyska Lambar afar ayaa gebi ahaanba maanta xiran iyadoo gaadiidka loo diiday in halkaasi isticmaalaan.

Wadadaasi waxaa ku yaalla bar koontarool ah oo ciidamada amniga ku hubiyaan gaadiidka markii ay usocdaan dhinaca Garoonka.

Sababta loo xiray wadada ayaa ah roob xalay ilaa saaka ka da’ay caasimada uu biyo badan dhigay wadadaasi taas oo sababtay in gaadiidka loo diiday inay maraan.

Sidoo kale waxaa xirmay jidkii loo marayey Xarunta Sahal ee basaska dadka raacaan markii ay usocdaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shacabka oo qaarkood dad waayeel ah ku jiraan ayaa la arkayey iyagoo isticmaalaya wado qardo jeex ah siiba garaash ku yaalla meel ku dhaw Koontaroolka la diiday in la isticmaalo.

Biraha ayaa loo dejiyey koontaroolka wadada Aada garoonka diyaaradaha muqdisho taas oo ka dhigan in gaari dhan la mamnuucay maadaama biyo badan ay halkaasi buux dhaafeen.

Wartii Lambar afar ee biyaha ku shubmi jireen ayaa buux dhaaftay taas oo meelo badan magaalada biyo lagu arkayo.

Waxaa yaraaday dhinaca kale isku socodka Magaalada iyadoo roobka uu saameyn taban ku yeeshay dadka danta yar ee ku nool guryaha ka sameysan cooshadaha iyo bacaha.

 



Source link