U Gaar Ah Ragga: 5 Wado Oo Aad Isku Jeclaysiin Kartid Gabadh Waliba Ay Kugu Aqbalayso Sida Aad Tahay Aqriso

Jacaylku waa shay qurux badan qof walba oo adduunkan joogana waxa uu jecelyahay in uu helo qof nolosha la wadaaga oo uu jeclaado.

Laakiin arimaha ayaan si fiican ugu shaqayn dadka qaar maadama aan jacaylka loo helin si dhib yar marka uu gaar ahaan jacaylku bilow yahay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa wado fudud oo aad isku jeclaysiin karto gabdh waliba ay kugu aqbali karto sida aad tahay.

1.Dareenkaaga Sii:

Dumarku mar walba waxa ay doonaan in ay Ragga ka helaan dareen gaar ah iyo waliba hadal joogto ah oo iyaga u fiican waxana ay taasi ka dhigaysaa in ay ku jeclaato.

2.Si joogto Ah U Bogaadi:

Inta badan dumarka ayaa jecel in loo hambalyeeyo ama la bogaadiyo marka ay wax fiican qabato, marka aad bogaadiso waxa ay helaysaa rabitaan ah in ay qabato wax intaas ka badan.

3.Hadiyado u keen marka aad kulantaan:

Marka hadiyado lama filaan ah loo keeno dumarka ayaa si weyn u dareema farxad iyo in uu Ninku danayno waxana ay taas ka dhigaysaa in ay si dhbi bar kuu jeclaato.

4.Wakhti La Qaado:

Xitaa hadii aad mashquul tahay mar walba isku day in aad wakhti u samayso gabadha taasi waxa ay keenaysaa in ay kugu kalsoonaato waliba ay si dhib yar kuu jeclaato.

5.U Dir Fariimo Jacayl Habeenkii Wakhti Dambe:

U Dirista fariimo jacayl habeenkii waxa ay keenaysaa in ay seexato iyada oo kaa fikiraysa marka ay soo kacdo xitaa waxa aad ku jiraysaa qalbigeeda.