Turkiga oo Instagram ka qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Ismaaciil Haniya

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Hay’adda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka.

Maamulka Tiknoolajiyada iyo Isgaarsiinta, ee maamusha internetka, ayaa ku dhawaaqay xannibaadda subaxnimadii hore ee Jimcihii, laakiin ma aysan sheegin sababta.

Wargeyska Sabah, oo aad ugu dhow dowladda, ayaa sheegay in isticmaalka bartan in la xannibay ka dib markii shabakadda Instagram ay meesha ka saartay qoraallo ay soo dhigeen qaar ka mida dadka adeegsada ee ku nool dalka Turkiga kuwaas oo muujinayay sida ay uga xun yihiin dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah.

Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah.

Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.”

Dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah laga dhigayaa baroor diiq loo samaynayo hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyada oo hoos loo dhigayo qayb ahaan calanka dalkaas.



Source link