Turkiga miyuu ka macaashay xiriirka SOOMAALIYA?




Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga.

Hase yeeshee waa xiriirka ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal kan durba muujinaya natiijo labada dowladood farax galiyay, gaar ahaan dowladda Turkiga oo isha ku haysa maalgashiga ganacsiga ee muwaaniinteeda iyo shirkadaheeda ay ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, iyada oo xitaa wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ay si sanadle ah ula socota baaxadda maalgashiga Turkiga ku sameeyo Soomaaliya sida ay tabinayso warbaahinta dalkaas.

Tirakoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaaray sanadka 2019, sida uu faafiyay wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.

Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho waxaa maamula shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Waxyaabaha ay ganacsatada Soomaalida sanooyiinkii u dambeyay sida wayn uga soo dhoofsanayeen Turkiga waxaa ka mid ah dharka iyo daawoyiinka.

Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa dalka Turkiga oo booqday Mudiqho ayaa sheegay in marka aad tagto suuqyada Bakara, Xamarweyne ama Suuq Bacaad oo dhammaantood ku yaalla caasimada aad arki karto badeecooyinka lagu sameeyay Turkiga ee buux dhaafiyay, gaar ahaan dharka iyo qalabka kale.

Ganacsatada suuqyadasai ayaa wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadolu u sheegay in saaxibtinimada Muqdisho iyo Ankara ay ganacsatada Soomaalida gaar ahaan shirkadaha yar-yar fursad u siisay in ay Turkiga la falgalaan islamarkana badecooyiin badan ay Turkiga ka soo iibsadaan.

Badeecooyiinka inta badan ay ganacsatada Soomaaliyeed ka keenaan dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah dharka, qalabka electroonika, qalabka dhimaha iyo waliba alaabaha guryaha la dhigto.

Cabdiwaaxid Axmed Ibrahim, oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay in sanooyiinkii u dambeeyay ay ganacsatada Soomaaliya ay fursao badan oo ganacsi ka heleen Turkiga.

“Waxaan filayaa in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in markii hore dharka laga keeni jiray Shiinaha iyo dalal kale, kuwaasoo aad u jaban, balse tayadoodu aad u yar tahay, hadda dhammaan badeecooyinka uu sameyay Turkiga waa kuwo la isku halleyn karo oo la awoodi karo, dadka Soomaaliyeedna farqiga u dhexeeya way arki karaan,” ayuu yiri. Ibraahim.

Xiriirka dhanka tasiilaadka

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya .

Maxamed Dubo oo ah Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed ee Wasaaradda Qorsheynta oo la hadlay Wakaalada Anadolu ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha sabab u noqday in ay kor u kacaan ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in tan iyo 2011, Turkiga uu ku lug lahaa horumaro waaweyn oo ka dhacay Soomaaliya, laga soo bilaabo tayaynta iyo caawinta hay’adaha dowliga ah ee u adeega dadka shacabka.

Duubo ayaa sheegay in sidoo kale maalin walba ay duulimaadyo diyaaradeed oo Turkish Airline ay ka soo degto Istanbul iyo Muqdisho taasina ay keentay in ganacsatada Turkiga iyo Soomaalida ay noqdaan kuwo isku xiran.

Dhanka waxbarshada

Dalka Turkiga ayaa sanooyiinkii u dambeyay noqday meel ay ardeyda Soomaalida ay u raadsadaan waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha.

Qaar ka mid ah jaamacadaha Turkiga ayaa waxay deeqo waxbarsho u fidiyen kumannan ardey Soomaliyeed ah.

C/fitaax Xuseen Mubaarak, oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee Jaamacadda Muqdisho, oo la hadlay wakaalada wararka ee Anadolu ayaa aaminsan in ka qeybgalka Turkiga ee Soomaaliya ay dib u qeexday siyaasadda arrimaha dibadda, taasoo sidoo kale fursad u furtay ganacsatada iyo ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Mubaarak ayaa xusay in Jaamacadaha Turkiga ay siiyeen ardayda Soomaaliyeed qoondo sare, taasoo ka dhigan inay kamid yihiin ardayda ugu badan ee wax ka barta ku dhawaad ​​200,000 oo arday oo jaamacadaha dhigta.

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Xigasho: BBC

 

Source link