Tirada dadka loo karantiilay cudurka Ebola ee dalka Kenya oo sii kordheysa

Tirada dadka uu soo ritay cudurka Ebola ee dalka Kenya ayaa gaartay saddex ruux kuwaasoo si gooni loo karantiilay ka dib markii lagu arkay calaamadaha cudurka oo waayadaan dambe ku baayay bariga qaarada Africa, waxaana Sadexda qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho.

Sayga qofka dumarka ah ee lagu arkay calaamadaha cudurka iyo labo qof oo kale ayaa habeenkii Axadda la gaarsiiyay Isbitaalka.

Dr. Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tilaabooyin ay uga hortagi karaan calaamado loo malaynayo inay yihiin kuwa cudurka Ebola.

Deegaanada laga soo sheegayo in lagu arkay cudurka Ebole ee Kenya ayaa xaduud dhow la leh dalka Uganda oo maalmihii la soo dhaafay dhowr qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Ebola, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada cudurkaasi uu sababay ay sii kororto dalka Uganda.

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa khubaro dhanka caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan sadexda ruux ee sida ee looga shakisan yahay inay qabaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale qeybta Adeega baaritaanka Dawooyinka ee Dowladda Kenya oo iyaguna tibaajabo ka qaaday dhiggaga dadkaan ayaa la filayaa in jawaabtooda ay soo saaraan saacadaha soo socda.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii Isbitaalka Siloam loola cararay qof Haweeneey ah oo ka soo safarta magaalada Malaba ee Ismaamulka Busia ee dhanka Bari ee xuduuda Kenya iyo Uganda taasoo markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka magaalada Kericho.

 

HALKAN RIIX KA DAAWO WARARKA OO MUUQAAL AH

DAAWO MUUQAALKA