Tallaabaddii xalay oo muujinaysa arrin ay Xasan iyo kooxdiisa usoo bareereen

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xarigga xalay Muqdisho loogu geystay wariye Cali Nuur Salaad oo ka mid ah suxufiyiinta maalmihii dambe tabinayay dhaliilaha nidaamka Xasan Sheekh.

Wuxuu muujinaya sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ugu soo bareereen iney bur-buriyan saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu inuu abaal-dhaco oo Cali Nuur iyo rag la mid ah oo la ogyahay kaalintii ay ka qaateen olollihiisa uu ku abaal-dhaco lama yaabin, laakiin waxaa iga fajicisay inuu wali aaminsanyahay in saxaafadda xoog lagu aamusin karo, taas oo uu ku fashilmay mudo xilleedkiisii hore.

Madaxweynaha waxaan leenahay dhabe khaldan ayaad aadday, wanaagna kuuma horseedi doonan kuwa kugula taliyay inaad saxaafadda caburin, xariga iyo caga-jugleyn u geysato.

Waxaan ku baaqeyna in si deg deg ah wariye Cali Nuur Salad loo siidaayo, dastuurka dalka iyo xaqa muwaadinkana la ilaaliyo, Baarlamaankuna waa inuu la xisaabtama laamaha amniga ee muwaadiniinta kula kacaya falalka xeer-dhaafka ah.

Qofka madaxda ah isaga laga raba inuu ka dhowrsado shaqooyinka wax u dhimaya sumcaddiisa qofeed iyo qiimaha madaxtinimada, laakiin waxaan raban walaaqaya lamana sheegi karo sax ma’ahan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah



Source link