Taliye Xijaar oo ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha weerarkii Hoteelka Xayaat





mogadishu (Allbanaadir Media) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerarkii saacadaha badan qaatay ee lagu qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada mogadishu.

Taliyaha ayaa marka hore xaqiijiyey in gebi ahaanba la soo afjaray weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday, kuna qabsatay dhismaha Hoteelka Xayaat oo ku yaalla KM4.

“Waxaan rabaab inaan Ummadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudiisa iyo dibaddiisa la socod siiyo in howlgalkii ka socday Hoteel Xayaat la soo afjaray xalad saqdii dhexe,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen illaa 106 qof oo ku go’doonsanaa dhismaha hoteelka la weeraray.

“Muddadii uu howlgalka socday waxya hay’adaha amniga waxa ay xoog saareen bad-baadinta iyo badqabka muwaadiniinta goobta ku sugaa waxayna ku guuleyteen bad-baadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween,” ayuu raaciyey.

Dhanka kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Hoteelka Xayaat, wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay in laga sugi doono wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

“Tirada dadka ay wax ku gaareen goobtaas waxaa si faahfaahsan noola wadaagio doonto wasaaradda caafimaadka,” ayuu markale yiri taliye Xijaar.

Weerarkan oo noqday ahaa kii ugu waqtiga dheeraa ee ay kooxda Al-Shabaab ku gasho dhisme ku yaal mogadishu ayey ku sheegtay inay ku dishay 40 qof oo ay saraakiil ku jiraan.



Source link