Taliye Shub “Shabaab dambe oo soo weerara Xabsiga Dhexe waa u diyaar-garownay”

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii weerar dambe uu uga yimaado kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalinjebinayeen ciidan ka tirsan Asluubta ayaa sheegay in askar badan uu u diyaariyey weerarada ka imaa kara Al-Shabaab.

“Haddii nala-galo gurmad ma rabno Ciidankii Xabsigaan difaaci lahaa ayaan iridda ku dhisnay, taas la socda, hadii Shabaab noo yimaadaan waan isaga aadnaa,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidan kale aysan gurmad uga baahan doonin, balse wuxuu muujiyey in weerarro kale ay Shabaab uga imaa karaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidan gaar ah uu u dhisay ciidan irida hore ee ilaga ilaaliyo amaanka Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bartamihii bishii hore weerar ka fulisay gudaha xabsiga, kadib markii ay adeegsadeen koox maxaabiis ah.

Maxabiista weerarkaas fulisay waxay aheeyeen 5 nin oo dil ku xukuman, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah.

Ciidanka ilaaliya xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay inay toogtaan shantii nin ee weerarkaas fulisay, iyaguna waxay dileen 3 askari, halka 21 qof oo askar iyo maxaabiis isugu jiray ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Hoos ka daawo



Source link