Home Xogta Dahsoon Taliye Farxaan Qaroole Oo Tallaabo deg deg ah qaaday kadib fadeexadii lasoo...

Taliye Farxaan Qaroole Oo Tallaabo deg deg ah qaaday kadib fadeexadii lasoo bandhigay




Kadib warbixin Qarsoodi ah Oo warbaahin kutaalla Muqdisho ay maanta baahisey kana hadashay isbaarooyin yaalla Wadada Xiriirisa Afgooye ilaa Muqdisho ayaa deg deg looga jawaabay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa awood ku qaaday isbaarooyin yaallay hareeraha wadadaasi.

Warbixinta la baahiyey waxa laga dhex maqlayey codka askar la sheegay inay lacago baad ah ka qaadayeen gaadiidka wadadaasi isticmaala.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa howlgalkaasi markii uu ku guuleystay kadib waxa uu la kulmay odayaasha Qaar deegaanka una ballan qaaday in aysan soo laaban doonin isbaarooyinka.

Wadada udhaxeysa Muqdisho ilaa Afgooye waxaa dhawaan lagu soo gaba gabeeyey Dhismaha waddo laami ah Oo halkaasi laga hirgeliyey.





Source link