Taliska Booliska oo faah-faahin ka bixiyay degmooyin la weeraray





Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afayeenka Boliiska oo aan la hadalnay ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ay weerartay Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday Warbaahintana loo soo bandhigayo.

Afayeenka ayaa sheegay in Boliisku qabtay 7 Ruux oo ku eedeysan inay soo weerareen Saldhigyada Boliiska.

 




Source link