Soomaaliya oo laga cafiyey deyn kale oo uu ku lahaa Ururka UPU (Sawirro)

Posted on




Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali)  oo maalmahaan ku sugnaa  Magaalada Geneva ayaa u kictimay Magaalada Berne  ee wadanka Switzerland si uu  kulan gaar ah ula yeeshay Mr.Masahiko Metoki  Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa  oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki  ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga Cafiyey Deyntii lagu lahaa  maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali  oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo Wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.




Source link