SOOMAALIYA oo bil kadib yeelanaysa dekedii shanaad oo rasmi ah (Faah-faahin)




Garacad (Allbanaadir Media) – Bisha soo socoto ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo dekadda Garacad iyadoo la filayo inay abuurto ganacsi cusub oo isku xiri doono gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland.

Dhismaha dekaddaaan iyo qorshooyin kale oo horumarin ah ayaa qeyb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha.

Sida uu sheegay Siciid Faadhi oo ah madaxa shirkadda dhisaysa dekeda waxay awood u yeelan doontaa inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya midka hadda si buuxda loo dhameystiray.

Saciid ayaa sidoo kale sheegay in 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku socoto kana dhigi doona dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan in dekadaan ay noqon doonto tii  2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya, marka si rasmi ah loo dhameystiro, inkasta oo ay qaadan doonto sanado badan.

Sidoo kale, dekaddaan ayaa noqoneysa meeshii shanaad ee Geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Itoobiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ahaan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa rajeeneyso inay guul ka gaarto gaaro howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda si ay ugaa faa’ideysato maraakiibta dooneyso inay badeeda isticmaasho.

Dowladaha qaar ee adduunka ayaa badda Soomaaliya u aqoonsaday inay tahay meel halis ah oo aan lagu soo dhiiran karin.



Source link