Home Warka Maanta Somtel oo soo bandhigtay laba adeeg oo casri ah oo Soomaaliya oo...

Somtel oo soo bandhigtay laba adeeg oo casri ah oo Soomaaliya oo ku cusub

Shirkadda Isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia oo la Jaanqaadeysa Technology-da Casriga ah ayaa maanta shaacisay inay soo kordhisay Adeegyada cusub eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay. Hoos ka aqriso faah-faahinta

WAR SAXAAFADEED: BANDHIGA ADEEGYADDA CASRIGA AH EE SOMTEL

Maanta oo taariikhdu tahay 25 February 2021 shirkada isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia iyadoo la Jaanqaadeysa Technology-da Casriga ah waxay macaamiisheeda usoo kordhisay Adeegyada cusub eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot.

Waa adeegyo u sahlaya macaamiisha in ay ku dalban karaan kuna iibsan karaan adeegyada Dahabshiil Group iyagoo isticmaalaya WhatsApp – kooda .

1. eDahab Chatbot: Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha In ay ka dalban karaan adeegyada shirkadda WhatsApp – kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252657999222) ka Dooro adeega aad u baahan tahay Fariinta kuu soo bixi doonta oo ay ku Qoran yihiin Adeegyada, Macmiilku edahab-kiisa ayuu ku iibsan karaa dhamaan adeegyada somtel Sida: Internet Data , Voice iyo Badeecooyinka kale ee Suuqa yaal.

2. Safar Taxi Chatbot. Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha In ay ka dalban karaan adeegyada Safar Taxi WhatsApp – kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252 2 300 000) kadibna Waxay dalban karaan Taxi iyo Bajaaj hadba noocii ay Rabaan si ay u Raacaan , ama ku dalbo sidan *3000# Sidoo kale wac 3000.

Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee keentay adeegyada Casriga ah ee WhatsApp lagu isticmaalayo.

“Dunida tagtay la jaanqaad oo Isticmaal simcard-ka Somtel”