Somaliland oo digniin adag u dirtay Turkiga kadib qorshe culus oo soo kordhay

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Maamulka Somalilanad ayaa digniin u diray dowladda Turkiga oo qorsheyneysa inay Markab u soo diraan xeebaha Soomaaliya, kaas oo ilaalinaya sidoo kale sahmin shidaal ka samey doona badda Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska ay ka carootay Somaliland ayaa dabo-socday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen bilowgii sanadkaan, kaas oo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay qorshaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa yiri, “Dowladda iyo Shacabka Somaliland raali kama ahan dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa uga digay Turkiga in badda Somaliland ay soo galaan, “Talaabo ayaan qaadi doonaa hadii Turkigu ku soo xadgudbo badeena, hadhow ma yeeli doono Soomaaliya ayaa na qaladay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shuruucda caalamiga ah ay la tiigsa doonaan Dowladda Turkiga, hadii aysan ka waantoobin dibindaabyada Somaliland ee dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka hadlay weerar kooxda Xuutiyiintu ay ku qaadeen markab Soomaaliya u rarnaa oo dib ugu noqday Dekeda Berbera.

“Anagu waxaan ku dadaalnay oo ku guuleysanay in badeena amnigeeda aan sugno, khatar badan hadda ma jirto waxaana rajeynaa in dhibaato aysan ka dhici doonin biyaha Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa u muuqata inay cabsi badan ka muujineyso maraakiib ay dowladda Turkiga u soo direyso badda Soomaaliya, qeybaha ugu daran ee Itoobiya ay ka ilaali doonaan waa badda Somaliland, maadaama qeyb kamid ah loo saxiixay Turkiga.



Source link