Home Warka Maanta Solskjær Oo Man City Ku Dhigi Kara Rikoodh Aan Horay Loogu Dhigin...

Solskjær Oo Man City Ku Dhigi Kara Rikoodh Aan Horay Loogu Dhigin – Allbanaadir Media

Kulanka ugu xiisaha badan horyaalka premier Legaue todobaadkan ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Man City iyo Man United kulanka Manchester Derby.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 22-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan iyo in ay talaabo kale u qaado ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dhanka kale Man United ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League.

Kulanka: Man City Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man City ayaan guuldaro kala kulmin Man United laba kulan oo xidhiidh ah oo garoonkeeda ah tan ilaa April 2010.

Hadii ay Man City badiso ama bar-baro gasho waxa ay dhigi doonaan rikoodhka guuldaro la’aanta ee tartamada oo dhan kaas oo noqon doona 28 kulan.

Man United ayaa guul ka gaadhi karta Man City 3 kulan oo xidhiidh ah kulamada martida markii ugu horaysay tan ilaa 2000.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Taariikhda Man United ee 3 kulan oo marti ah guul ka gaadha Man Cit tartamada oo dhan.

Source link