Home Warka Maanta Siciid Deni oo kusoo laabtay dalka & waxa iska bedelay damaciisii murashaxnimada

Siciid Deni oo kusoo laabtay dalka & waxa iska bedelay damaciisii murashaxnimada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, safar ugu maqna dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaarada ee Garoowe kusoo dhoweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal , Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Siciid Deni ayaa doonaya inuu isku soo sharaxo Xilka madaxweynaha Soomaaliya inkastoo weli uusan hamigiisa uusan soo bandhigin.

Safarkiisii Nairobi iyo kii uu Kismaayo ku tegay Dhawaan ayaa shaki siyaasadeed abuuray waxaana laga dhursugi doonaan wakhtiga uu isa soo sharaxo.


Source link