Home Warka Maanta Sheekh Shariif oo markii ugu horeysay uu tegay maanta cadale & kaftan...

Sheekh Shariif oo markii ugu horeysay uu tegay maanta cadale & kaftan uu ku yiri…




Madaxweyneyaashii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay maanta kormeer ku tegeen deegaano dhinaca xeebta Gobolka shabellaha Dhexe.

Soo dhaweyn ballaaran kadib wafdigaas waxa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo shalay cadale uga sii horeeyey wafdiga maanta tegay isagoo sheegay in wax badan isbadel degmada cadale laga sameyn doono.

Waxay ubadnaayeen madaxda meesha tegay ka hadalka Beelaha deegaanka oo is qab qabsigooda sii badanayey mararka qaarna ay gacan ka hadal gaareysay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa sheegay in markii ugu horeysay cadale uu tegay aheyd rajana uu ka qabo baahiyaha dadka ay muujiyeen wax laga qabto.

Dhankiisa Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyey ayaa sheegay in ay reer cadale wax tabashada ay qabaan wax laga qaban doono,ayna la kulmi doonaan bulshada deegaanka.

Murashaxiinta xasan Sheekh & Sheekh Shariif ayaa ka hor cadale maanta inta aysan gaarin waxay hore usii mareen degmada Warsheekh oo ay dadka deggan halkaasi sii salaameen.





Source link