Shariif, Kheyre iyo CC oo ku eedeeyey Xasan kali-talisnimo iyo xaraashka hanti-guud

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh inuu keligii isku koobay taladii dalka, islamarkaana uu dhegaha ka xirtay talooyinkoodii.

Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaab qarda-jeex ah ku wado dhammeystirka dastuurka iyo in hoggaankiisa uu xaraashayo hantidii guud ee dalka, iyadoo ugu danbeyn ugu baaqay inuu talada dhulka dhigo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dalka wuxuu wajahayaa khataro waawayn oo u baahan in lagu xalliyo xikmad, talowadaag, tanaasul, dulqaad, midnimo iyo wadajir. Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa habdhaqanka hoggaamin ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisu ay ku wajahayaan halista dalka dul hagoogan oo ay ugu horreeyaan argagixisada Al-shabaab iyo Daacish, damaca gurracan ee ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay qayb baddeenna ka mid ah ku qaadato, khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo Puntland iyo muranka maalmahan ka soo cusboonaaday dhulalka danta guud.

Tallooyin fool ka fool ah iyo kuwo qoraal ah oo aan Madaxweynaha ka siinnay arrimahan waxay u muuqdaan kuwo ku dhacay dhego furaysan. Waxaan u aragnaa in dalka uu maanta ugu baahi badan yahay midnimo iyo wadajir lagu wajaho halista iyo khataraha nagu xeeran, laakiin taa beddelkeeda uu Madaxwaynuhu dalka ku hoggaaminayaa siyaasad gole ka fuul ah oo kaligii- duulnimo ah, taasoo aan lahayn istiraatiijiyad iyo qorshayaal cad, oo aysan kala saarnayn howlaha mudnaanta hortebinta leh iyo kuwa muhiimka ah ee la dib dhigan karo.

Maanta Soomaali waxay u baahan tahay ficil kasta oo dadkeeda midaynaya iyo ka fogaanshaha kii kala geynaya. Haddaba waxaan walaac xoog leh ka qabnaa arrimaha soo socda:

1- In hoggaanka dalka uu ka mashquulay la dagallaankii kooxaha argagixisada, iyagoo dib u qabsaday qaar ka mid ah goobihii dhiigga iyo nafhurka looga xoreeyay. Madaxweynahu wuxuu isku xiray hawlgalka dagaalka iyo shakhsigiisa, taasoo markii uu mashquulay, hoggaanka hay’adaha nabadgelyada iyo difaacuna aysan u gacan bannaanayn ayaa waxay sababtay dayaca ku yimid dagaalka.

2- Waxaan walaac ka qabnaa in uu gaabis yahay abaabulkii iyo istiraatiijiyaddii siyaasadeed, diblomaasiyadeed, bulsho iyo amni ee lagu wajahayay ka hortaga damaca Itoobiya. Waxaana caddayn u ah in dalku uusan muddo laba bil ah lahayn wasiir amni iyo arrimo dibadeed. Wuxuu Madaxweynuhu baalmarayaa hay’adihii dawladda, kaligii ayaana isku koobay hawshii dalka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo bulshada intaba.

3- Waxaan walaaac ka qabnaa dhammaystirka Dastuurka oo aan loo dhammayn. Dhamaystirka dastuurka wuxuu ka mid yahay hawlaha muhiimka ah, laakiin aan degdegga ahayn, sababtoo ah waa heshiis bulsho oo la doonayo in uu dalka iyo dadka isku hayo, una horseedo xasillooni siyaasadeed, midnimo iyo wadajir. Ma aha in qaab qardo jeex iyo gacan maroojis ah lagu dhammaystiro. Dastuur ay isku khilaafsan yihiin xoogagga siyaasadda dalka wuxuu ku danbayn doonaa in dhaqan galkiisu socon waayo. Sida haatan lagu wado dhamaystirka dastuurka waxay ka soo horjeeddaa ruuxda dastuurka iyo qodobadiisa qeexaya dhammaystirkiisa, waxay kaloo madaxweynihii oo taladii kale dalka kaligii isku soo koobay ka mashquulisay ajandayaashii hortebinta degdegga ah lahaa ee la dagallaanka argagixisada iyo ka hortagga damaca dawladda Itoobiya, dhismaha ciidan qaran oo ATMIS dalka kala wareega.

4- Waxaan walaac xooggan ka qabnaa xaraashka dhulka hantida guud ee maalmahan sida xawliga ah uga socda Muqdisho. Waxaan kasoo horjeednaa ku takrifalka hantida qaranka ee sida sharci darrida ah qiimaha jabanna looga iibinayo shakhsiyaad gaar ah.
Waxaa xaaran ku ah diinta Islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka in madaxda qaranka ay ku takrifalaan hantidii shacabka Soomaaliyeed ka dhexaysay, iyadoo la iibinayo dhulkii danta guud, si degdeg ahna looga tirayo diiwaanka hantida qaranka.

Waxaan hadaba uga digaynaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan arrinkaas, waxaanna xusuusinaynaa in arrinkaas la iskula xisaabtami doono mustaqbal dhow iyo kan fog intaba. Waxaan sidaa si la mid ah uga digaynaa ganacsatada iyo shakhsiyaadka ku hawlan iibsiga hantida qaranka in aysan yeelan doonin xuquuqda lahaanshaha dhulka maadaama sida lagu siiyay ay tahay sifo sharci darro ah.

Waxaan gebagebadii ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu talada dalka dhulka dhigo, dalka iyo dadkana u turo, aqbalana talowadaag iyo tanaasul, si midnimo iyo isku duubni loogu wajaho halista dalka hortaalla. Waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in uu ku sii socdo qaabkan gole ka fuulka iyo kali-duulka ee uu haatan dalka ku hoggaaminayo. Waxaan ugu baaqaynaa inuu mudnaanta siiyo la dagaalka kooxaha argagixisada ah, ka hortagga damaca Itoobiya, joojiyana qaabka qardajeexa ah ee uu doonayo in uu dastuurka ku ansixiyo, iyo ku tagrifalka dhulka hantida danta guuud ee sida sharci darrida ah looga iibanayo shakhsiyaadka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay danwadaagta yihiin.

1. Shiikh Shariif Sheekh Ahmed
2. Xasan Cali Khayre
3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame