Home Warka Maanta Shakhsigii dartiis Kulane xilka looga qaaday oo maanta si hab maamuus leh...

Shakhsigii dartiis Kulane xilka looga qaaday oo maanta si hab maamuus leh loo sagootiyey




Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho laga sagootiyey diyaarad uu la socday odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeday Gobolka Gedo oo uduushay Degmada Luuq.

Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa muddo ka badan lix bilood uu ku xanibnaa caasimada muqdisho waxa maanta uu fursad u helay inuu udhoofo Gobolka Gedo.

Macalimuu ayaa waxa la socday Siyaasiyiin kale iyo Odayaal dhaqameed loo diiday inay ka dhoofaan Xamar balse amarkii R/wasaaraha uu soo saaray loogu fududeeyey in ay ambabaxaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa uu sagootiyey macalimuu iyo wafdiga kale oo dhowr jeer laga hor istaagay inay dhoofaan.

Maalin ka hor xilka qaadistii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa sabab u aheyd markii Cusmaan Nuur Xaaji iyo dhowr qof kale laga reebay diyaarad ay uraaci lahaayeen Gobolka Gedo,taas oo deg deg xilka uga xayuubiyey madaxii Shaqaalaha NISA C/llaahi Kulane iyo Agaasimihii NISA ee garoonka Diyaaradaha Muqdisho C/wahaab sheekh Cali.





Source link