Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday Dhuusamareeb?

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Dhuusamareeb.

Doorashada la qabtay oo ah illaa afar kursi ayaan loo gelin tartan adag, waxaana kusoo baxay musharixiin si gaar ah loogu xiray.

Xubnaha soo baxay ayaa kala ah: 1- Cabdisamad Macalin Maxamuud Xasan oo ku soo baxay kursiga HOP#139, waxaana dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca.

2- Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale ku guuleystay kursiga HOP#049, wuxuuna haatan ka tirsan yahay musharixiinta mucaaradka.

Tallaabada ay qaaday Galmudug ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii Muqdisho ee laga gaaray dardargelinta doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Source link