Sawirro: Taliyaha AFRICOM oo soo gaaray mogadishu xilli DF ay ku dhaqaaqeyso qorshaha…




mogadishu (Allbanaadir Media) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ) ayaa magaalada mogadishu kula kulmay Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika  ee loo yaqaan (AFRICOM) oo soo gaaray mogadishu.

Kulanka Wasiirka iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka AFRICOM Gen. Michael Langley ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Safaaradda ee Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada mogadishu, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Mareynka, lataliyaha amniga Ra’iisul Wasaaraha XFS, Taliye ku xigeenka CXD iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay soo dhawaynta kadib in uu taliyaha la wadaageen qorshaha sare u qaadida awooda ciidanka xoogga dalka iyo sidii loo qalabeyn lahaa, xilli dowladda isku diyaarineyso dagaal dalka looga xoreeyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, kulanka waxa ay diiradda ku saareyn sidii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku yiri qoraal uu ku daabacay Bogga Fecebook ee wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ay uga mahadceliyeen doorka AFRICOM ay ka qaadato sara u qaadida amniga geeska Africa.

Jeneraal Michael ayaa 3 August 2022-ka loo magacaabay taliyaha taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ka dib markii 2 August 2022-ka ay dalacsiiyeen Aqalka Sanate-ka Maraykanka.

9 Augusta 2022 Jeneraal Michael ayuu xilka kala wareegay Jeneraal Stephen Townsend oo ahaa taliyhihii hore ee ciidanka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM.

Inta badan Taliska Ciidamada Mareekanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab waxa ay ka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka iyaga oo bar tilmaameedsanaya xubnaha sar sare Ee Al-Shabaab.



Source link