Addis Ababa (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa, halkaas oo laga sii galbiyay, isaga iyo wafdigiisa.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse, wasiiru dowlaha madaxtooyada, Abshir Bukhaari iyo xuno kale.
Ujeedka safarka mnadaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya ayaa la xariira ka qayb-galka meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo ka dhacaya Addis Ababa.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qayb-gali doono hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, kuwaas oo iyaguna tegi doono caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxdan ayaa looga arrinsan doono dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2023 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa wada-hadallo gaar gaar ah la yeelan madaxda ka qyab-galeysa meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo uu kala hadli doono arrimo quseeyo xaaladda guud ee wadanka.
Soomaaliya ayaa xubnin firficoon ka ah Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay ciidamo la dagaalama kooxda Al-Shabaab ka joogaan gudaha Soomaaliya.