(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo Qatar oo heshiis cusub kala saxiixday

Posted on




Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis istiraatiiji ah kula saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin.

U jeedka heshiiskaan ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiiboyinka, u adkaysiga aafooyinka,  xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeynta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiiskaan in Qatar Charity SoDMA ka saacido helitaanka agabka gurmadka deg-deg ah, qalabaynta xarunta qaran ee howlgallada, in wadajir la iskaga kaashado ka jawaabista Xaladaha ay sababeen Musiibooyinka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, Agaasimayaal iyo Masuuliyiin kale.




Source link