Home Xogta Dahsoon Saraakiil ka socota Sacuudiga oo madaxtooyada Soomaaliya kawada kulamo xasaasi ah

Saraakiil ka socota Sacuudiga oo madaxtooyada Soomaaliya kawada kulamo xasaasi ah




Waxaa maanta kulan kuwada qaatay madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Ra’isul wasaaraha wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Wasiiro Dowladaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Mudane  Abdihakim Hassan Ashkir.

Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa kala hadlay xukuumadda  xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo ku tiilay magaalada Muqdisho.

Sacuudiga ayaa boorka ka jafaya xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya iyadoo kulank maanta sidoo kale loog hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.

Wafdigan maanta dalka soo gaaray ayaa sidoo kale la filayaa iney la kulmaan Ra’isul Wasaare Rooble si ay uga hadlaan arrimaha siyaasadeed ee dakja

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan aaday Boqortooyada Sacuudiga waxaana uu kulan la qaatay madaxda sar sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda isagoo kala hadlay xiriirka Labada dal iyo taageeridda dhaqaalaha.

Carabta ayaa u muuqata in xiligan xasaasiga ah ay kor dhinayaan xiriirkooda, waxaana Shalay kulan wada yeeshay safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Rooble isagoo ka codsaday in laga caawiyo fatahaadda webiga Shabelle.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Muqdisho-Somalia                              





Source link