Sade vs Kablalax: Maxay salka ku haysaa diidmada Mareexaan ee golaha wasiirada?




mogadishu (Allbanaadir Media) – Allbanaadir Media ayaa baartiaan ku sameysay sababta ay kuraasta laga siiyey golaha wasiirrada uga cabaneyso Beesha Mareexaan, oo siyaasiyiin u hashay ay sheegeen in xuquuqdii ay ku lahaayeen xukuumadda aysan ka helin.

Ugu horeyn waxaan ogaanay in beesha Sede ee Mareexaan ay xukuumadda cusub ka heshay seddax kursi oo kala ah, wasiirka amniga gudaha, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle.

Sida aan baaritaankaan ku ogaanay, beesha Mareexaan sababta ay cabashada uga keentay kuraasta la siiyey, waxay salka ku heysaa dood iyo sad-bursi ka dhex taagan beelaha Daarood, gaar ahaa seddaxda ugu waaweyn ee kala ah Mareexaan, Majeerteen iyo Ogaadeen.

Mareexaanku waxay ku doodayaan in qoondada Daarood uu ku leeyahay xukuumadda loo qeybsado ‘dhalyo’ tusaale in wax la isugu daro Kablalax oo la isku yiraahdo beelo ay ugu waaweyn yihiin Ogaadeen iyo Majeerteen iyo beesha ‘Sede’ oo ah Mareexaan.

“Dooda uu qabo Mareexaanku waa hadii Kalbalax oo la isku yiraahdo Ogaadeen iyo Majeerteen la siiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha, waa in kursiga wasiirka arrimaha dibadda ee ku soo aaday Daarood la siiyo Mareexaan, oo kuraasta Daarood lagu kala qeybsado Sede iyo Kablalax,” sidaas waxaa Allbanaadir Media u sheegay masuul kasoo jeeda beesha Mareexaan.

Qoraal ay si wadajir ah shalay u soo saareen labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayey ku qaadaceen kuraasta ay beeshu ka heshay xukuumadda cusub, iyagoo ku dooday in Mareexaan la duudsiiyey xaqoodii awood qeybsiga kuraasta wasiirrada cusub.



Source link