Saddex carruur ah oo ay miino kula qaraxday duleedka BELEDWEYNE





Beledweyne (Allbanaadir Media) – Wararka laga helayo duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii ay halkaas miino kula qaraxday saddex carruu ah oo dhimasho iyo dhaawac ay soo gaartay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Miir-caddo oo qiyaastii 45 KM dhanka koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne ee xarunta Hiiraan.

Mid ka mid ah carruurta oo walaalo ahaa ayaa geeriyooday, halka labada kelena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ee degmada Beledweyne.

Agaasimaha isbitaalkaasi, Dr. Maxamed Soomaali oo ka warbixiyey xaaladda carruurta dhaawacyada ay soo gaareen ayaa sheegay inay haatan la tacaalayaan wuxuuna tilmaamay in mid ka mid ah uu aad u daran yahay, ayna waxyeelo ka soo gaartay xubinta taranka.

“Waxaa xarunta nalagu keennay bukaanno labo carruur ah oo dhaawacyo kasoo gaaray qarax miino, da’doodu waa 13 iyo 10 jir, bukaanka 13 jirka ah ayaa ugu daran oo waxaa guud ahaan dhaawac kasoo gaaray xubinta taranka, Gacanta bidix oo lafo kamid ah burburay & lugtaba, way dhiig-baxeen, waxaana si dhaw ula socon doonnaa xaaladdooda Caafimaad oo aan ku dedaali doonno in aan halkaan ku daweyno” ayuu yiri Dr. Maxamed.

Sidoo kale waxaa dhacdadaan ka hadlay maamulka magaalada Beledweyne oo Al-Shabaab ku eedeeyey inay dhigeen qaraxan ee ay waxyeelada kasoo gaartay carruurtaas yar-yar.

Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso shacabka, kadib markii ay cadaadis kala kulmeen ciidamada howlgallada ka wada Hiiraan.

“Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday in waddooyinka miinooyin u geliyaan dadka shacabka ah ama ay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay u dhibaateeyaan maadaama ay u bareeri waayeen in ay ka hortagaan weerarada dadka deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Beledweyne.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar lagu laayey 20 qof oo shacab ahaa, gaadiidna lagu gubay ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka Afar Irdoon oo ka tirsan gobolka Hiiraan.



Source link