SACIID DENI oo amar culus siiyey saraakiisha Booliska Puntland + Sawirro





Garoowe (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Booliska ee maamulkaasi, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee maamulkaasi, siiba sugida nabad-geylada.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka amniga Puntland Mudane Cabdisamad Galan, taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Ugu horreyn Madaxweyne Saciid Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay taliyeyaasha uu la kulmay , taas oo la xiriirtay amniga iyo dhaqada Booliska Puntland.

Saraakiisha hadlay ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda la xiriira sugida amniga, waxayna ballan qaadeen inay laba jibaari doonaan howlgallada baaritaanada ah.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa amray taliska Ciidamada Booliska in ay dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana sidoo kale usii dheer la dagaalanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya bulshada deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii koox cabtoy ah ay dileen taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho ee maamulkaasi, Marxuum Cumar Hiiraad Kaatuun.



Source link