Home Xogta Dahsoon RW Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Masar+xogtii u...

RW Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Masar+xogtii u dambeysay+Sawirro




Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar Moustafa Madbouly.

Rooble ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada Masar halkaa oo uu kulamo kula leeyahay madaxweynaha dalkaasi Cabdifitaax Al-sisi iyadoo laga wada hadli doono xiriirka Labada dal oo Farmaajo uu mugdi u geliyay si uu u garab istaago Abyi Axmad oo Itoobiya ciidan ku heysta.

Booqashada PM Rooble ayaa timid ka dib marka uu marti qaad rasmi ah ka helay Madaxwaynaha Abdifataax Al sisi.

PM Rooble ayaa Dadaal ku bixinaya sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo xumaa Afartii sano ee ugu dambaysay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Qaahira ku sugan ayaa sheegay in “Soo dhaweyntaan heerkeedu sareeyo ay ka tarjumaysaa xiriirka qotada dheer ee labada dal walaalaha ah ka dhaxeeya iyo sida mar waliba Masar ugu heelantahay gacan qabashada iyo garab istaaga dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

Rooble ayaa la filayaa inuu heshiis la galo madaxweynaha dalkaasi islamarkana meesha laga saaro mad madowgii labada dal soo kala dhex galay Labadii sano ee ugu dambeysay.

 



Source link